Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho ku toogteen nin xirnaa dareeska ciidanka islamarkaana hubeysnaa.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkan ay ciidanka ku raadjoogeen kadib markii la sheegay inuu ka mid ahaa rag dhac u geysan jirey dadka shacabka ah.
Ciidamada ayaa isku dayey iney nolosha ku qabtaan ninkaasi hase ahaatee dagaal ayuu la galay, taas oo keentay in ugu dambeyn la toogto.




From the comments