War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre ayaa lagu faray Villa Soomaaliya inay jawaab kasoo bixiso qodobo, kuwaasi oo xudun u ah in xal laga gaaro khilaafka dowlada Federaalka ah iyo maamuladda.
Guddoomiyaha gollaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta u akhriyay qoraalkaan ayaa ugu horeyn xusay in madaxda maamul goboleedyadda ay ka codsadeen inay joojiyaan kulamadooda, taasi oo ay ka ogolaadeen.
Mudane Cabdi Xaashi ayaa intaas raaciyay hadalkiisa, in madaxda dowladda Federaalka ay ku guuldareysteen in ay soo gudbiyeen jawaab la xiriirta cabashooyinka maamullada iyo mowqifkooda dhex-dhaxaadinta Gollaha.







From the comments