Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan in gadood ay sameeyeen ciidamada Ilaalada madaxtooyada magaaladaasi, iyaga oo xiray waddooyin muhiim ah.
Ciidamadan ayaa ka cabanaya mushaar aanay qaadan 7-dii bil ee lasoo dhaafay, waxaana ay sheegeen in aanay shaqo jiri doonin, inta ay ka helayaan lacagahooda.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay xireen wadadii aadeysay dhanka madaxtooytada iyo sidoo kale dhanka xarumaha dowladda (wasaaradaha), waxaana loo diidey cid walbo oo shacab ama mas’uul ah iney aaddo.




From the comments