Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay maanta magaalada Garoowe oo uu ka furmay shirka gollaha iskaashiga.
Madaxweyne Xaaf wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka uu u baahan yahay badbaado, isagoo baarlamaanka u diray codsi ah in ay dowlad u soo dhisaan dalka.
Waxaa uu soo jeediyay in dowlad goboleedyadu sameeystaan ciidamo gaar ah, isagoo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan.




From the comments