Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa shalay waxaa uu soo kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga, isaga oo sheegay in sanadka soo socda-2019- dalka laga xoreyn-doono Al-shabaab.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Daahir (Indha-Qarshe) oo saxaafadda la hadlay waxaa uu yiri “Waxaa Qorsheysan in laga xoreeyo sanadka soo socda, Al-shabaab in dalka laga xoreeyo, aadbey u qorsheysantahay, meelo badan ayaa laga bilaabey, waddooyinkan dhaadheer in la furo, Muqdisho Kismaayo la furo, Muqdisho ilaa Baydhabo la furo, Muqdisho iyo Baladweyne la furo, aadbey u qorsheysan yihiin, qeybo badan waa la bilaabey waad ogtihiin, Baladweyne ilaa Buulaburte waa la furay, mar dhow waa soo gaareysaa Xamar,haddana waxaa ku xigta Baydhabo Muqdisho, waxaa ku xigta Kismaayo ilaa Muqdisho, weyna furmaayaan waddooyinkaas inshaa-allaah”.
Taliyaha waxaa uu sidoo kale ka hadlay inay diyaariyeen akaademiyad lagu tababaro saraakiil xigeenka, si haddii uu sarkaalka wax u noqdo, loo heli karo qof kale oo u diyaarsan inuu hoggaanka qabto, wuxuuna taliyeyaasha kula dar-daarmay inay soo diraan dad karti leh, oo u diyaarsan hoggaan.




From the comments