Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay waxaa ay soo saartey Warmurtiyadeed kaas oo lagaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada qaar iyo khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya dowladaha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Inkasta oo warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda aan si cad loogu sheegin in lagaga jawaabayo warkii eedeynta ah iyo digniinta ahaa ee ka soo yeeray Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa hadda waxaa lagu yiri “Gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii”.
Haddaba, Goobjoog News waxaa ay arrintaasi weydiisay Senator Xuseen Sheekh Maxamud Xuseen, haddii ay wasaaradda u soo jawaabtay iyo in kale?




From the comments