Xildhibaan Farxiyo Axmed Xasan oo ka tirsan aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa iska fogeysay inay qeyb ka tahay ama ogtahay xildhibaanno saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa kale oo ay aad u cambaareyneysaa xildhibaan golaha ka tirsan oo liiska ku daray magaceeda iyo saxiixeeda.
Marwo Farxiyo oo la soo xiriirtay Goobjoog News ayaa tiri “Aniga oo ah Xildhibaan Farxiyo Axmed Xasan ma saxiixin, qofna iguma matalo, waayo waxaan ahay xildhibaan qaran, garanaya waajibka i saaran, isla markaana mas’uul ka ah dalka, dadka iyo diinta”.
Xildhibaan Farxiyo oo sii-hadleysa waxaa ay tiri “ Aniga kutlad ayaan ka tirsanahay, wax ay ii sheegeen ma jirto, wax aan saxiixay ma jirto, magaceyga iyo qalinkeyga aniga ayaa xor u ah”.




From the comments