Khubaro Qaramada Midoobey ah ayaa baareysa in ka badan 2,500 qoray oo AK-47 ah iyo qoryo kale ah, ee uu qabtay markab Mareykanka ah, qoryahan oo laga qabtay xeebaha Yemen ayaan la ogeyn meesha ay ka yimaadeen, Soomaaliya ama Iran.
Mareykanka waxaa ay sheegeen inay u yeereen khubarada wax baarta oo ka socota Qaramada Midoobey si loo baaro in Iran ay hub u direysay Xuutiyiinta iyo in kale, Dhahraan ayaa dhankeeda inkirtay hubkaas.
Mareykanka waxaa uu marar badan ku eedeeyey Iran inay jabiso go’aannada Qaramada Midoobey ee ka dhanka ah hubeynta Xuutiyiinta, oo ah hub iyo saanad u dirto Xuutiyiinta.




From the comments