Deganaanshiyo aan cago badan ku taagneyn ayaa maanta laga soo sheegayaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay illaa iyo xalay ay ka dhaceen dagaallo u abaabulan qaab qabiil.
Wariyeyaal ku sugan Wanlaweyn ayaa u sheegay Goobjoog in maanta ay xaaladda ka yara deggan tahay sidii shalay, waxaana wararku sheegayaan inuu jiro dhaq-dhaqaaq ay kala wadaan dhinacyadii dagaallamay.
Dagaalkan ayaa markiisii hore waxa uu kasoo bilowday dhanka baadiyaha, hase ahaatee markii dambe magaalada ayeey Maleeshiyadii dagaallameysa isla soo galeen.




From the comments