Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney kala dhexgaleen beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.
Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa u sheegay Goobjoog in hadda ay xabaddu joogsatay, xaaladuna tahay mid deggan.
Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in sidoo kale ay ku dedaaleen in ciidamada dowladda la kala dhex dhigo maleeshiyaadkii dagaallamay.




From the comments