Xisbiyada curdunka ah ee dalka ka billowday waxaa saaran culeysyo fara badan oo dhan kasta ah, marka laga eego qibrad-yarida nidaamka axsaabta ee guud ahaan dalka kajirta, caqabadaha xilligan ay dareemayaan xisbiyada waxaa ugu horreeya buuxinta shuruudaha sidii ay ku noqon lahaayeen xisbiyo qaran, sida diiwaan-galinta 10,000 qof oo taageerayaasha xisbi walba ah iyo xafiisyo in ay kuleeyihiin 9 gobol oo kamid ah 18-ka gobol ee dalku leeyahay iyo $1,000 (kun doolar) oo ah qidmadda diiwaangalinta xisbiga, waxaa shuruudahan kasii dhib badan shuruudaha kaqayb-galka doorashada ay ugu weyn tahay isu-dheelitirka liiska musharaxiinta beelaha iyo tirada musharaxiinta ee gaaraysa 275 musharax iyo 275 kuxigeenka, musharaxiinta marka loo baahdo in la buuxiyo kursi xubinta musharaxa baneeyo sabab kasta haku timaado’e.
Waxaa ugu adag caqabadaha xisbiyada kala kulmayaan isu-dheelitirka liiska musharaxiinta iyo qoondada dumarka, keenista musharaxiinta 275-ka ah ee ka qaybgaleysa tartanka doorashada iyo 275-ka kursi-buuxiye, musharaxiinta helistooda ay adag tahay waxaa ugu horreeya musharaxiinta kasoo jeedda Somaliland, waxaa ka mid ah dadka kasoo jeeda deegaannada somaliland ayaa ah tirada ugu yar ee kunool goobaha ay maamusho dowladda FS, tusaale ahaan haddii ay dhacdo in 5 xisbi oo kaliya xaq uyeeshaan ka qaybgalka doorashada 2020-ka, waxaa xisbi walba laga doonayaa inuu la yimaado 61 musharax oo reer Somaliland ah iyo 61 Kursi-buuxiye iyo 11 Senator 11 Kursi-buuxiye, tirada guudna waxaa ay noqoneysaa, 61+61+11+11= 144 musharax oo Somaliland ah ayaa laga doonayaa xisbi walba, guud ahaan 5-ta xisbi waxaa laga doonayaa 720 = (5×144) Musharax oo ka soo jeedda deegaannada Somaliland.
Mushkiladda kale ee Xisbiyada lakulmayaan waxaa kamid ah sida musharaxiinta loogu tixayo liiska 275-ka musharax ee ka kooban 30 xirmo, isla markaana halki xirmo ay noqonayso 9 qof kuna salaysan 4.5, sharcigan wuxuu xisbiyada farayaa isu-dheelitirka beelaha oo macnaheedu tahay isdhexgelinta beelaha ee liiska musharaxiinta sagaalleyda ah, tusaale ahaan (2 Darod, 2, Dir/isaq, 2 Hawiye, 2 Digil/Mirifle iyo 1, Beelaha Kale) tusaale haddii beesha XY 2 xubin kuleedahay baarlamaanka hadda jira, liiska sagaalleyda ah ee ugu horreeya, waxay ku leedahay 1 xubin, liiska kuxiga waxaa kasoo galaya xubin katimid beelaha kale ee kamidka ah beelweynta ay ka wada tirsan yihiin ee (Beesha shanaad).




From the comments