Senatorada golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa goordhow ansixiyey sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka.
Weriyaha Goobkoog News ee aqalka sare ayaa soo sheegay in kulanka uu ku firmay 34 Senator, codeyn gacan taag ah oo la geliyey sharciga, ma jirin wax diiday ama ka aamusay, oo dhammaan gacantaag ayey ku meel-mariyeen.
Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka doodayey in muddo ah, waxaana sidaas ku soo xirmay sharciga kheyraadka biyaha iyo hey’adda maareynta biyaha qaranka.




From the comments