Wararka naga soo gaaraya Ex-control Balcad, degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka AMISOM.
Goob jooge ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay ka dhalatay khasaare kala duwan.
Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna la sheegay in ay fureen rasaas xooggan oo waxyeello soo gaarsiisay dad shacab ah oo goobta ka dhowaa.




From the comments