Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo lagu xallinayo dagaal beeleed ka dhacay degmadaasi iyo deegaanno ku dhow.
Xuseen Liibaan oo ah guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in ka maamul ahaan ay isku dayayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddan, wax walbana lagu dhammeyn lahaa wadahadal iyo is faham.
Waxa uu tilmaamay Xuseen, in sidoo kale dedaalladan ay kaalin mug leh ka qaadanayaan waxgaradka ku dhaqan degmada Balanballe.




From the comments