Goobjoog

Koonfur Galbeed: Guddiga Doorashada Oo Xubno Cusub Lagu Daray

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa hadda ansixiyey 15 xubin oo ka tirsan guddiga doorashada maamulkaas. 136 mudane ayaa la sheegayaa in kulanka soo xaadirtay, codeyntii la qaaday…

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa hadda ansixiyey 15 xubin oo ka tirsan guddiga doorashada maamulkaas.

136 mudane ayaa la sheegayaa in kulanka soo xaadirtay, codeyntii la qaaday 132 ayaa ogolaatay, 2 xubin ayaa diiday halka 2 kale ay ka aamuseen.

Dhinaca kale, habraaca doorashada iyo araajidii la qabtay waxba iskama badalin, waxaa loo balammay doorashada 28-ka bishan.

Gooboog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments