Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay kormeer ku sameeyeen xerooyinka ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin magaaladaasi.
Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Maxamuud Maxamed Macallin Koronto ayaa hoggaaminayey saraakiishan, waxaana ay u kuurgalayeen xaaladda amniga ee magaaladaasi.
Sidoo kale, saraakiishan ayaa doonayey iney la socdaan xaaladda guud ee ciidanka xoogga dalka iyo howlahooda shaqo.




From the comments