Weerar Xooggan oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xarun uu Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaadka C/weli Cali Cilmi, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad u badan xer.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigey rag hubeysan oo halkaasi gudaha u galay, kuwaasi oo bilaabay iney dilaan dadkii goobta ku sugnaa.
Warar goor dhow aan helnay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintey C/weli Cali Cilmi, iyadoo weli gudaha xaruntan dagaalka uu ka socdo.




From the comments