Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle waxaa ay sheegayaan in agagaarkeeda uu iminka socdo dagaal beeleed khasaare geystay.
Dagaalka waxaa uu ka dhacayaa inta u dhaxeysa Kongo iyo Maandheere, tan hore 7 KM ayey u jirtaa halka maandheere ay 15 KM u jirto Jowhar.
Aagga uu dagaalka ka socdo waa dhul beereed iyo daaqsiin, waana markii ugu horeysay oo dagaal noosaan ah uu ka dhaco.




From the comments