Goobjoog

Akhriso: Muxuu Guddoomiye Mursal Ka Dhahay Kala Dirista Guddiga Maaliyadda?

Ilo ku dhow guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shalay Talaado ay kulan gaar ah lahaayeen guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, kuwaas…

Akhriso: Muxuu Guddoomiye Mursal Ka Dhahay Kala Dirista Guddiga Maaliyadda?

Ilo ku dhow guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shalay  Talaado ay kulan gaar ah lahaayeen guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, kuwaas iyagana aan horay u shiray ku dhowwaad muddo bil ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ah ee golaha iney isaga u daayaan xal ka gaarista arrintii kala dirista guddiga maaliyadda, horayna loo wadao ajendayaasha kulamada golaha, arrintaas oo la isla gartay.

Iyada oo heshiiskaas laga ambaqaadayo, waxaa maanta dib u qabsoomaya kulamada golaha shacabka, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda.

Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments