Hoyga guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa xalay tagey xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
Waxay xildhibaannadan kulan la yeesheen guddoomiyaha oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo mooshinka ku saabsan.
Xubno ka mid ah xildhibaannadan la kulmay guddoomiye Mursal ayaa inoo xaqiijiyey in saacadaha soo aadan ee maanta uu guddoomiyaha la hadli doono warbaahinta, islamarkaana u faah faahin doono arrimo badan oo mooshinka ku aadan.




From the comments