Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, oo bishan 6-deedii ay ka hor timid wasiirka xuquuqul insaanka Deeqo Yaasiin, kana hor akhrisay sharciga hey’adda naafada ayaa kulan gaar ah arrintaas kala galat golaha naafada.
Kulankaan oo ay wada qaateen Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee Golaha Aqalka Sare iyo golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid la isaga xog wareysanayay aragtida ay ka qabaan dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo hadda horyaala golaha Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Golaha naafada Qaranka Soomaaliyeed Sayid Cali Cabdullahi Salaad ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid looga talo galinayey dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo ku saleysan baahiyaha Dadka Naafada ah ee Baahiyaha Gaarka ah qaba.




From the comments