Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 2 murashax.
Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir, waxaa muuqato in Roobow tartanka laga reebay.
Shalay, guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo.




From the comments