Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga uu kaga soo qeyb galay shir loogu magacdaray “Masjidul Qudus”kaasi oo looga hadlayay arrimaha Falastiiin iyo caasimadda Qudus.
Wafdiga uu Hoggaaminayay Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee golaha Abshir Maxamed Axmed iyo Mowliid Xuseen Guhaad iyo xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyn ka dib wuxuu ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay mudada uu socday.




From the comments