Goobjoog

Maraykanka: Waxaan Dilney 62 Al-shabaab Ah

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 62 ka mid ah Al-shabaab ku dileen weeraro ay ka gobolka Shabellaha Hoose. Qoraal kasoo baxay taliska Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Sabtidii…

Maraykanka: Waxaan Dilney 62 Al-shabaab Ah

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 62 ka mid ah Al-shabaab ku dileen weeraro ay ka gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay taliska Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Sabtidii iyo Axaddii Lasoo dhaafay ay weeraren xerooyin Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi.

Wadarta guud ee xubanaha looga diley Al-shabaab ayeey ku sheegeen 62, waxaana weerarkii ugu dambeeyey uu dhacay Sabtidii Shalay.

AFRICOM ayaa sheegtay sidoo kale iney xoojin doonaan weerarada ay la eeganayaan xubanaha Al-shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal waxa ka jira in tiro intaa la eg looga diley weerarada ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments