Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”.
Mudane Salaad waxaa uu intaasi ku daray “Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”.




From the comments