Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku kulmaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kadib markii aanay wax kulan ah yeelan ku dhowaad Hal bil.
Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa xildhibaannada lagu horgeyn doonaa miisaaniyadda 2019 oo la doonayo iney ka doodaan.
Murankii ka dhashay kala diristii guddiga miisaaniyadda ayaa sabab u noqday in shaqadii baarlamaanka ay maalmo badan hakad gasho.




From the comments