Waxaa maanta xarunta Puntland ee Garoowe lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland,kadib markii kuwaasi oo shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada oo ka koobnaa ilaa 66 mudane
Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Maxkamadda Sare ee maamul goboleedka,taasi oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland,xildhibaanada ayaa laga soo xulay deegaanada Puntland.
Dhanka kale xildhibaanada ayaa doortay guddoomiye KMG ah u doortay Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo ah qofka ugu da’da weyn ee kujira baarlamaanka,ilaa laga soo dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka ee rasmiga ah.




From the comments