Magaaladda Garoowe ee caasimadda maamulka Putnland waxaa maanta ka dhacay doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee Putnland.
Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana wareega labaad isugu soo haray labo Musharax oo kala ahaa C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed.
Cabdi Xakiin Dhoobo ayaa wareegga 1aad helay 37 cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 15 cod, iyaga oo halkaas ku hareen Xildhibaan Cabdi raxmaan Cali oo helay 9 cod iyo Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf oo helay 5 cod.




From the comments