Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwo la sheegay iney Maraykan ahaayeen ayaa weerar ku qaadey deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose.
Weerarkan ayaa dhacay xalay saq dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in marka hore ay diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana halkaa ku daatay kadib ciidanka xoogga dalka oo dagaal toos ah la galay Al-shabaab.




From the comments