Waxaa saacadihii ugu dambeeyey jirtay hadalhayn badan oo ku aaddan safarkii uu madaxweyne Farmaajo xalay ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda qaarkood waxay sheegeen in loo baahnaa madaxweyne Farmaajo inaanu tagin Nairobi maadaama ay Kenya kusoo gardarrootay Soomaaliya.
Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in aanay jirin wax ku jaban tagista madaxweynaha ee Nairobi.




From the comments