Goobjoog

Bakool: Milatariga DFS Oo Sheegay Iney Dileen Xubno Al-shabaab Ah

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey dagaal iyaga iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel-laahelay ee gobolkaasi. G/sare Warsame Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay…

Bakool: Milatariga DFS Oo Sheegay Iney Dileen Xubno Al-shabaab Ah

Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey dagaal iyaga iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceel-laahelay ee gobolkaasi.

G/sare Warsame Maxamed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xooggan, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Gaashaanlahan ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka qabsadeen hub badan iyo saanad kale oo ciidan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka Al-shabaab weerar kusoo qaadeen deegaankan oo ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal weerarkan iyo waxa ka jira in dhankooda khasaare lasoo gaarsiiyay.

Goobjooog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments