Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabtio ah waxaa la filayaa in kulan ay ku yeeshaan xaruntooda Muqdisho.
Kulanka maanta ayaa ah mid lagu doonayo in su’aallo lagu weydiiyo madaxda laamaha ammaanka, maadaama Arbacdii lasoo dhaafay loo yeeray wasiirada amniga, difaaca iyo taliyeyaasha Booliiska, xoogga dalka iyo NISA.
Waxaa xubnahan loo yeeray la weydiin doonaa xaaladda guud ee ammaanka dalka, gaar ahaan amniga Muqdisho oo faraha ka baxay.




From the comments