Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland oo maanta ku laabtay deegaan doorashada Garoowe ayaa sheegay iney halkaasi u tageen wadatashi iyaga oo walaac ka muujiyey xaaladda dalka ee amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo xubnaha soo dhoweeyey ayaa ugu horeyntii sheegay in dalku ku jiro xaalad degenaanshiyo la’aan isaga oo soo qaatey in dhex-dhexaadintii aqalka sare ee dowladda federaalaka ah iyo dowladaha xubnaha ah aan weli dib la isugu soo noqon sii la rabay, oo weli waa taagan.
Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri‘Dastuurkii qabyada ahaa waddada uu ku socdo waa qalad, oo wax ka hagaagey ma jiraan, 4-tii sano ee hey’adaha dowladda waxaa ka haray 18 bil wax dastuur ahna ma jiraan, maxaa yeelay dadkii ka shaqeyn lahaa dastuurka ayaa qaarkood maqan, waxaa maqan xubnihii maamullada ka socon lahaa, oo waxaa is hortaagey dowladda dhexe, waxaa ku xiga amniga dalka meesha uu marayo dhibaato badan ayaa ka jirta, waxaa jirta fagalelin doorasho oo Koonfur galbeed faragelintii ka dhacdey, dadka la dilay, kuwa xiran, waad ka war heysaan, doorashadii Puntland dowladda dhexe lacag xoog ah bey ku bixisay oo 21-ka tartamayey badidooda lacag ayaa la siiyey, si loo carqaladeeyo iney dhacdo doorasho xaq ah, oo xalaal ah, laakin nasiib wanaag dadka halkan jooga ciddii ay rabaan ayey doorteen, waxaa hadda taagan arrintii Jubbaland, oo xukuumadda heshiis la soo gashay wixii lagu heshiiyey wax micno leh oo ka hirgalay ma jiraan, dad badab baa jira Xamar lagu masruufo oo tartamaya, dad badan ayaa jira carqalad halkaasi ka wada, taasi international Communityga waa ogtahay, innagu waan ognahay, shacabkuna waa inuu ogaa, labadii aqal faragelin iyo furfurid ayaa lagu hayaa waddanka meel fiican uma socdo, ninkii is leh wax baad ka bedeli kartaa waa inuu ogaadaa qol buu ku xiran yahay federaal la yiraahdo oo furihii ay maamulada heystaan iyo aqalka sare haystaan,”




From the comments