Dr. C/fitaax Ismaaciil Daahir oo mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD oo wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda dalka.
Ugu horreyn wuxuu ka hadlay sababtii ku kalliftay siyaasiyiin uu isaga ku jiray in ay ku shiraan dalka Kenya, islamarkaana ay halkaasi kasoo dhaleeceeyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.
Wuxuu sheegay xildhibaanka in sababta ugu weyn ee ay Nairobi ugu shireen ay tahay, kadib markii ay DFS culeys ka dhigtay in siyaasiyiinta ku shiraan Muqdisho islamarkaana ay cabiraan dareenkooda.




From the comments