Madaxweyniha 7aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Xasan ayaa ku guuleystay dadaalkiisa ahaa iney is hor fariistaan guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kadib markii ay maanta isku arkeen xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Labada aqal ee ay kala matalaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu xiriirkooda jarnaa tan iyo 3-dii Janaayo 2019. Aqalka sare ayaa sababo dastuuri awgood xiriirka u jaray golaha shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu kulanka socdey ka codsaday labada dhinac in la xoojiyo wada shaqeynta labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.




From the comments