Rag hubeysan ayaa waxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ku dileen, gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Gamboole ee gobolkaasi.
C/rashiid Xaaji Maxamed ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Jowhar, waxaana goobta isaga baxsaday raggii falkaasi ka dambeeyey.
Ciidamada ammaanka oo gaaray halka dilkan uu ka dhacay ayaa sameeyey howlgl ballaaran oo lagu radinayey dadkii falkaasi ka dambeeyey, balse ma jirto cid lagu soo qabtay.




From the comments