Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka K/galbeed ayaa sheegtay in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka ay xirteen Al-shabaab.
Wasiir ku xigeenka wasaaraddan, Maxamed Isaaq Barrow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka dulqaadi doonaan degmooyinka ay go’doomiyeen, lana badbaadin doono dadka shacabka ah.
Barrow ayaa tilmaamay in shacabka K/galbeed dhankooda looga baahan yahay iney ciidamada ammaanka garab ku siiyaan howlgallada la sameyn doono.




From the comments