Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay dib ula wareegeen deegaanka Af-urur ee gobolkaasi, halkaa oo Labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab.
Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa saakay ku baxay deegaankaasi, waxaana isaga baxay kuwa Al-shabaab, iyadoo aan lasoo sheegin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay.
Saraakiisha ciidanka Puntland hoggaamineysa ayaa sheegay in haatan ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.




From the comments