Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir oo la hadlay warbaahinta kadib markii la soo qabtay koox dil ka fulisay todobaadkii hore bariga Dhuusamareeb ayaa sheegay in lagu daba jiro kuwii ka dambeeyey dil wadareedkii ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug.
Sheekh Shaakir waxaa ii intaasi ku daray in arrinkaas ay ka wada shaqeynayaan ciidamada, culimaa’idiinka, cuqaasha, dhalinyarada, haweenka iyo dhammaan dadka ku nool deegaanka, raggaasna gacanta lagu dhigi-doonno.
Mudane Shaakir waxaa uu sidoo kale sheegay in arrinkan aanu aheyn mid Soomaalinnimo ah “Arrin Somalilnimo ma aha, walaaltinnimo ma aha, ehelnimo ma aha”, isaga oo ku eedeeyey waxa uu ku yeeray argigixsa.




From the comments