Kabtan ka tirsan askarta ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa isdilay kaddib markii uu toogasho ku dilay askari ka mid ah kuwa AMISOM.
Kabtankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa xabbad isku dhuftay kaddib markii uu dilay askari kale iyadoo aan illaa hadda la ogaan sababta keentay dilka askariga sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ahna afhayeenka ciidamada Ugand Richard Karemire isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah bixiyo.
Dhacdadan ayaa imaaneysa bil kaddib markii askar kale ay istoogteen bishii May 13 2019, waxaan sidoo kale la helin faahfaahinta dhacdadaas sida uu sheegay Richard Karemire.




From the comments