Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa ka soconaya kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeya madaxda Galmudug iyo sidoo kale xubno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.
Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha ee DFS ayaa xalay wuxuu Dhuusamareeb kula kulmay madaxda xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir iyo sidoo kale Macallin Maxamuud.
Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxaa ka mid ah, sidii doorasho u dhici lahayd, la isugu soo dhowaan lahaa iyo sidii loo xallin lahaa khilaafyada jira.




From the comments