Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in weli halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.
Maxamuud Xasan Cali oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Matabaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in weli ay is horfadhiyaan dhinacyadii dagaallamay, xalna aan la gaarin.
Wuxuu tilmaamay Maxamuud in cabsida taagan iney tahay in mar kale isku dhacaan dhinacyadan oo la ogyahay iney dagaallameen maalmihii lasoo dhaafay.




From the comments