Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre aysan ka shaqeeneyn nabadeynta Galmudug.
Wuxuu sheegay Xildhibaanka oo u warammay Goobjoog News, in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu si gaar ah heshiis ula galay Ahlu-sunna, taasina ay keentay in ay caroodaan dhinacyo kale oo maamulkaasi taladiisa wax ku leh.
Xildhibaan Daahir, ayaa sheegay in qaabka ay xukuumadda wax u waddo u muuqato in lagu sii fogeynayo Galmudug, horeyna loo sii wado kala geynta Galmudug.




From the comments