Dr. Sheekh Cali Nuur oo ka mid ah falanqeeyeyaasha dhanka ammaanka ayaa sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay gabi ahaan ku fashilantah sugidda ammaanka caasimadda Muqdisho.
Dr. Cali Nuur oo la hadlay Goobjoog News ayaa xusay in fashilka ammaanka magaalada ay sabab u tahay in dowladdu ammaanka dalka iyo magaaladaba ay ku aamintay dad aan ehel u aheyn, waxaa hadaliisa ka mid ahaa”Hadda waxaan ognahay Muqdisho kama shaqeyaan dadkii ammaankeeda ka shaqeyn lahaa, dumar iyo caruur iska yaacayoo gawaarida dul saaran waxba aan gelin, waxba aan goyn, oo dadka iyo deegaanka aan wax ka aqoon ayaa la dhahay adinku wax qabta”.
Sidoo kale Dr. ka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ammaanka dalka iyo weliba caasimadda ay adkaan doonto in la sugo ilaa la helo is-afgarad siyaasadeed iyo dadka in talada gacanta loo galiyo lana dareen siiyo in ay ilaashadaan deegaanka iyo waxa ay wada leeyihiin waxaana uu yiri” Meel kasto oo dhibaato ammaan darro ay ka jirto, waxaa ka jira oo garab socda oo ka jira dhibaato siyaasadeed, waxaa loola jeedaa is afgarad siyaasadeed kama jiro, oo bulshada deegaankaas degan wax ay isla ilaashadaan oo ay iskula dadaasho oo wixii dhibaayo hal meel ay uga soo wada jeesato”.




From the comments