Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo islamarkaana ay ka mid yihiin Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Sharmarke garaad suleymaan iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ah marwada Guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta soo gaaray Magaaladda Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka puntland,waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada puntland.
Shir jaraa’id Oo ay si wadajir ah ugu qabteen qeybta nasashada ee garoonka ayaa Guddoomiyaha wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland waxa uuu garoowe kusoo dhoweeeyay wafdigan.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Sidoo kale ka hadlay ujeedka socdaalka isaga iyo wafdigiisa ee Magaaladda tan garoowe Garoowe.




From the comments