Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdi casiis Maxamed Laftagareen ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur galbeed in qof waliba dhinaciisa uu xil iska saaro ammaanka, waxaa uuna sheegay in dhowaan ay bilaabanayaan howlgallo la is kugu furayo magaalooyin Muqdisho iyo Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen oo ku sugnaa maalmahaan magaalada Muqdisho ayaa xusay in madaxda dalka uu kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgalka, loona baahan yahay in shacabka reer Koonfur galbeed ayagu ay hoggaan ay u noqdaan holwgalkaas waxaa uuna yiri” Marka ugu horeeyo sidii qorshaha amniga loo bilaabi lahaa ugu danbeyna howlgalladu ay u bilaaban lahaayeen sida aad uwada joogtaana aan idiin kugu sheego, Koonfur galbeed dadkeeda iyo deegaanadeeda waa dad fiican oo sharaf leh oo dad dowladeed ah oo isku kalsoon waaye, culeyska iyo caqabadda heysato maanta Shabaab waaye”.
Madaxweyne Laftagareen ayaa hadalkiisa ku daran in dadka Koonfur galbeed la rabo in qof waliba qeybtiisa uu ka qaato ammaanka deegaanda Koonfurgalbeed iyo howlgalka lagu furayo wadada u dhaxeyso Baydhabo iyo Muqdisho, oo dhibaato badan ay ka taagan tahay waxaana halakiisa ka mid ahaa “ Hay’adaha amniga, xildhibaanada , ururada bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa inaad ka qeyb qaadataan sidii la isku firi lahaa deegaanada Koonfurgalbeed oo aan howlgal aan u bilaabi laheyn, rajo fiicanna waan ka qabnaa meel fiican ayeey mareysaa”.




From the comments