Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa uu gaaray magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Safiirka Soomaaliya Koonfur Africa ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursla Sheekh Cabdiraxaan siweyn u soo dhaweynayaan.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay Mudane Gudoomiye in aad magaaladaan Cape town timaado oo Soomaali badan ku ganacsato sidoo kalena dagan tahay”




From the comments