Guddigga Dib-u-heshiisiinta Galmudug Oo Kormeeray Xarunta Shirka Iyo Deegaanka loo qorsheeyay Ergada.
Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Xubnaha kale ee guddigga ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhaco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirkaasi.
Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in la soo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar u yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xiran shirka, isla narkaana dhinacya shirka ka qeyb geli lahaa ay liiska ergada u soo direen guddigga.
Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimman yihiin oo kaliya in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bishaan uu u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Goobjoog News