Shalay Wafdigii uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, james swan waxaa ,arkii ay tageen Magalada Kismaayo ay la kulmeen Madaxda Maamulka Jubbaland iyo iyo musharixiinta aan is diiwaangelin, iyaga oo Madaxda Jubbaland ka dalbaday in waqti kordhin lagu sameeyo xilliga doorashada,isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka ee aan is diiwaangelin.
Hayeeshee dalabkaas ayaa waxaa Maanta ka horymid kana soo horjeestay musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ee horay isku diiwaan geliyay, iyaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in waqti kordhin lagu sameeyo doorashada jubbaland.
Qoraal kasoo baxay musharixiinta is diiwaangeliyay oo ku midoobay Magaca Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo.





From the comments