Dalka Kuwait ayaa waxaa uu mamnuucay dhusha looga qaadi jiray Soomaaliya, sidaasi qoraal ka soo baxay wasaaradda ganacsiga ee dalkaasi.
“Wasaaradda waxaa ay mamnuucday dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii ay timid cabsi ah in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso”, sidaasi waxaa lagu qoray Al-Rai daily.
Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey oo ay aragtay wasaaradda ganacsiga Kuwait waxaa ku xusnaa in dakhliga ka soo xarooda dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya si toos ama si dadbanba loogu maalgeliyo argigixisada .




From the comments